Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulamo Gaar Gaar ah La Leh Saraakiisha Ciidanka Dalka Iyo Sababaha Ka Dambeeya
Muqdisho:Oct,28,2014(SDN/QJ)-Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa ilaa shalay kulamo qarsoodi ah waxa uu xafiiskiisa kula lahaa Saraakiisha ugu sarraysa Ciidanka Xoogga Dalka, isagoo sheegay in kulamadaasi salka ku hayeen Hawlgallada Badweynta Hindiya ee Al-shbaaabak dalka lagaga xoraynayo, balse warar intaas ka duwan ayaa kasoo baxaya Kulamadaas.
Wararka kulankaas ka soo baxaya, ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan sheikh Saraakiisha ciidanka si hoose ugu soo bandhigay Khilaafka madaxda dalka soo kala dhex galay, waxana uu ka codsaday inay si hoose oo waddaniyadi ku dheehan tahay ula socdaan xaallada dalku haatan galay.
Wararku waxay sheegayaan inuu madaxweyne xasan sheikh isku dayey inuu saraakiisha ku beerlaxawsado in laga khaldan yahay oo uu isagu garta leeyahay, sidaa darteedna ciidanka looga Baahan yahay inay amarradiisa u dhego nuglaadaan.
Madaxweyne Xasan sheikh ayaa si kooban u sheegay in khilaafka haatan jiraa uu halis gelin karo Hawlgallada dalka lagaga saarayo Kooxaha Al-shabaab, waxana uu ciidanka ku dhiirrigeliyey inay waajibkooda gutaan oo ay sii wadaan Dedaallada ay kooxahaas kula dagaallmayaan.
Saraakiisha ciidanka xoogga dalka soomaaliya, ayaa la sheegayaa inay hadalka madaxweynaha si weyn u meeleeyeen, waxana uu kulankasi kud hammaaday is afgarad iyo ballamo lagu qaaday in cid waliba ay waajibkeeda gudato.
Khilaafka soo kala dhexgalay madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha, ayaa waxa uu keenay in labada masuul si weyn ukala shakiyaan, waxana mid waliba uu gaarkiisa u wataa shirar hoose oo uu la leeyahay cidda uu taageero bidayo.
SDN/QJ