|

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kor U Qaaday Derejooyinka Ciidankii Ku Geeriyooday Baarlamaanka iyo kuwii ku Dhaawacmayba

Muqdisho:June,04,2014(SDN/QJ)-Waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Shaaciyey inuu Derejooyinka Askartii ku Geeriyootay Weerarkii Baarlamaanka iyo kuwii ku Dhaawacmayba kordhiyey, maadaama ay ahaayeen Geesiyaal Badbaadiyey Nafta  Boqolaala ka tirsan Baarlamaanka Somalia.

gurxMadaxweynaha  oo ka Hadlayey Kulan lagu Furayey xarunta Baarlamaanka kadib qaraxyadii laga fuliyey, ayaa sheegay inuu min laba derejo  kor u qaaday derejooyinkii askartii ku geeriyootay qaraxa, isla-markaana uu min hal derejo   u kordhiyey kuwii ku dhaawacmay.

Madaxweynaha ayaa  sheegay in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay fashiliyeen weeararka argagixisada ay soo maleegeen, waxaana uu taasi ku tilmaamay inay muujineyso sida ay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya uu awood buuxdo iyo karti u leeyihiin ka hortagga falalka argagixisonimo.

“Ka Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo ka Taliyaha guud ciidanka qalabka sida ahaan waxaan rabaa in aan hortiina ka sheego, ciidankii halkaa ku geeriyooday, kuwii geeriyoodayna min labo darajo ayaa la dalacsiinayaa, kuwii dhaawacmayna min hal darajo ayaa la dalacsiinayaa, qarnigii hore ee 20aad waxaan qabnay nin la yidhaahdo Maxamed Cabdulle Xalane oo magaca Soomaaliya iyo meesha uu ka galay aad ogtihiin, qarniga kow iyo labaatanaad Daahir Gurxan ayaa noo ah astaanta geesiyaasha Soomaaliya, Gurxan ayaa noo ah qarnigan 21aad” ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh.

NB: Tusaale aahaan Captain Daahir Alaah ha u naxariistee waxay darajadiisa noqoneysaa Gaashaanle Dhexe sidaa darteed qoyskii uu ka tegey mushaharka ay qaadanayaa waxa lagu qiimeynayaa Darajada. sida la ogyahay waxaa bilowday in ciidanka darajada mushaharku ay ugu kala sareeyaaan.

Dhawaaqan madaxweynaha ayaa dhiirriglen kara ciidanka qalabka sida ee soomaaliyeed, iyadoo la ogaaday inaanay wax badan dalka kusoo korhdin kuwii AMISOM oo iyagu qaata lacago  xad-dhaaf ah oo aanu qaranku qaadi kain.

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed