|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kashifay Isbaarada u Taalla Ganacsatada Soomaaliya

Muqdisho 08,Dec 2015 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Soomaaliya Madane Xasan Sheekh Maxamuud oo  hadal ka jeediyay Munaasabad Xariga looga jaray Keydka Haamaha Shidaalka Ee Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Sharciga Ganacsiga ee Baarlamaanka horyaalla uu ka socon la yahay  Ganacsatada Soomaaliyeed oo doonaya in Sharcigaasi uusan Meel marin Baarlamaanka Soomaaliya.

xasan sheekhXasan Sheekh Maxamuud ayaa Xusay in Ganacsatadu ay Xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka ay qab qaldan wax uga dhaadhiciyaan,taas oo sababta in la Ansixin waayo Sharciga Ganacsiga oo Muhiim u ah Ganacsatadda iyo Ummadda Soomaaliyeed intaba.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Xariga ka jaray Maanta Haamaha Keydka Shidaalka ee Dekedda Muqdisho ayaa sheegay  in Ganacsatada Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay U Naxariistaan Dadka Danta yar islamarkaana ay Raqiisiyaan Shidaalka iyo Shirkadaha bixiya Adeega Korontada Maadaama maanta la furay Haamaha Keydka Shidaalka.

Haamaha Keydka Shidaalka Ee Magaalada Muqdisho ayaa dib loo howlgaliyay 25-sano kadib,ka gadaal markii Dowladda Federaalka ay ku Wareejisay maanta Rugta Ganacsiga Soomaaliya,oo ay ku mideysan yihiin Ganacsato Soomaali iyo Ajaanib iskugu jirta.

Comments are closed