|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay Xuska 40-sano guuradii ka soo wareegaytay qoraalka Afka Soomaliga

Jabuti Dec 17 2012 (SDN)— Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgalaya Xaflada 40-sanoguuradii kasoo wareegatay markii la qoray afka Soomaaliga.

Madaxweynaha Soomaaliya oo iminka ku sugan dalka Jabuuti ayaa ka qeybgalaya xafladaasi qiimaha badan oo ay isugu tageen dad badan oo aqoonyahano iyo madax ah.

Dalka Jabuuti ayaa martigelinaya xafladaasi waxaana ka qeybgalaya masuuliyiinta maamulada Soomaaliland,Puntland,Kilinka Shanaad iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Maanta oo kale 1972 ayaa la qoray afka Soomaaliga waxaana iminka kasoo wareegtay muddo dhan 40-sano madasha xaflada ay ka dhaceyso waxaa ku sugan aqoonyahano Soomaaliyeed.

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Shekh Maxamuud ayaa markii uu ka qeybgalo xafladaasi wuxuu dib ugu soo noqon doonaa dalka Soomaaliya isla maanta sida qorshaha uu yahay.

Afka Soomaaliga ayaa wuxuu yahay af-hodan ah oo ay ku hadlaan dadka Soomaalida.

SDN-Jabuti

Comments are closed