Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Dareenceliyey Qoddob Puntland Dhibsatay Oo Laga Saaray Distoorka Maamulka Gal-mudug
Muqdisho:Jully,28,2015(SDN/QJ)-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si weyn usoo dhaweeyey tallaabo Baarlamaanka Maamul-goboleedka Galmudug meesha uga sareen Qoddob distoorkooda ku jirey oo ku saabsanaa Xadka maamulkaasi la yeelanayaan dhiggooda Puntland.
Baarlamanka maamulka Galmudug ayaa gebi ahaanba beddeley qodobkaasi oo dhigayey in xadka Galmdug uu yahay gobolka Nugaal ee maamulka Puntland.
Madaxweynaha ayaa sheegay in go’aankan uu yahay mid loo baahnaa oo abuuraya jawi is afgarad iyo in horumarka iyo nabadda laga wada shaqeeyo.
“Ujeeddada laga leeyahay dhismaha dowlad goboleedyada waa baahinta xukunka iyo in la fududeeyo helista adeegyada bulshada, waana soo dhoweynayaa tallaabo kasta oo ujeedkaasi sidii lagu gaadhi lahaa dhiirigelinaysa. Haddii ay jiraan tabashooyin maamullada dhexdooda ah, waxaa mar walba inoo furan wadahadal iyo in la raadiyo xal nabadeed, arrimahaas ayaana dan u ah shacabka Soomaaliyeed” Ayuu yidhi Madaxweyne Xasan sheikh.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyey in nabadda iyo horumarka laga wada shaqeeyo, lagana fogaado colaadaha, khilaafka iyo wax kasta oo shacabka kala fogeyn kara.
SDN/QJ