|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Furay Kalfadhigii Shanaad ee Barlamanka Federaalka

Muqdisho 20.Sep 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay kalfadhiga shanaad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xasan SheekhFuritaanka kalfadhiga waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari.

Madaxweyne Xasan ayaa baarlamaanka uga tacsiyeeyay xildhibaannada geeriyooday muddadii ay fasaxa ku maqnaayeen xildhibaannada.

Wuxuu ku tilmaamay xildhibaannada la dilay ‘shuhaddo’ u adeegayay dadkooda iyo dalkooda.

Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa ku ammaanay baarlamaanka dedaalka uu muujiyay muddadii labada sanood ee uu jiray.

Wuxuu ballanqaaday inay dowladdu dhawri doonto xasaanadda mudaneyaasha, maadaama ay dadka iyo dalkaba u hayaan shaqo qaran.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed