Madaxweyne Xasan Sheekh oo Fariin Culus u diray Ciidamada dowladda Soomaaliya
Muqdisho March 29 2013 (SDN)– Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheikh Max’ud oo fariin maqal iyo muuqaal ah shacabka kula hadlay ayaa sheegay in uu ka xunyahay ciidamada dowlada in lagu eedeeyo tacadiyada loo geysto shacabka oo ayaga loo igmaday in ay ka hor tagaan tacadiyadaasi, isagoona tilmaamay in saraakiisha ciidamada ay wadaan baaritaan la xiriira tacadiyada la sheego in ay ku kacaan ciidamada dowlada baaritaanadaasina hadii ay cadaadaan kaliya aysan eeda yeelaneyn ciidamada balse ay qeyb ka noqonayaan saraakiisha madaxda u ah ciidamada.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in aysan howshooda ciqaab oo kaliya ku ekeyn balse ay ciidamada u sameyn doonaan dhaqan celin, isagoona xusay in ay qorsheynayaan tababaro loo sameeyo ciidamada kaasi oo lagu horumarinayo dhaqanka askarta iyo sidii ay u difaaci lahaayeen xuquuqda aadanaha.
Madaxweyne Xassan Sheikh Max’ud ayaa ugu dambeyn sheegay in aan loo dul qaadan Karin tacadiyo lagula kaco ama lagu ciyaaro sharafta haweenka Soomaaliyeed, isagoona ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u istaagaan ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo dhowrista sharafta ay leeyihiin haweenka Soomaaliyeed.
Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xili dhawaan warbixin ay soo saartay human rights wach lagu sheegay in ay jiraan tacadiyo lagula kaco haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku jira xerooyinka barakacayaasha ayadoona warbixintaasi ay ku eedeysay in ay inta badan tacadiyadaasi geystaan ciidamada dowlada.