Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Casho-sharaf ku Qaabilay kooxaha ka qayb galay shirka Siyaasadda
Muqdisho: 7-Sep-2013(SDN) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay ka qayg galayaasha shirkii siyaasadda oo maalintii shalay lagu soo gebogebeeyey Magaalada muqdisho.
Munaasibaddan casho-sharafta ah waxa ka soo qayb galay marwada madaxweynaha Marwo Qamar Cali Cumar, Ku-ximaha Ra’iisal wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Fosiya yuusuf xaaji aadan, xildhibaanno, wasiirro, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.
Xafladan ayaa waxaa ka hadlay Madaxweynaha, Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha, Wasiir-ku xigeenka Warfaafinta oo ku hadlayey magaca guddiga qabanqaabada Shirka Siyaasadda iyo Guddoomiyaha Gobolka Banadir, ahna Duqa Muqdisho iyo Caasho Geelle.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey ka soo qeybgalayaasha waqtigooda qaaliga ah, isla markaana ka codsaday inay Dowladda la shaqeeyaan, waxana uu halkaas ka aqbalay Talo soo jeedintii shirka siyaasadda ee dhamaaday inay Dawladdu hirgelin doonto.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay warbixintii ay hay’ado caalami ah oo ku takhasusay arrimaha baadhitaanka musuqmaasuqa iyo garyaqaanno caalami ah oo ay sheegeen in eedeymihii Guddiga dabagalka ee QM ay ahaayeen kuwo aan sal iyo raad toona laheyn.
Madaxweynaha ayaa sheegay in sababta dowladdu ay uga codsatay hay’adahan caalamiga ah inay baadhaan in musuqmaasuq dalka ka jiro ay aheyd in haddii la helo cid musuqmaasuq ku kacday in tallaabo laga qaado.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com