|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo balanqaaday Sidii Macalimiinta ay u heli lahaayeen Nolol Wanaagsan

Muqdisho 21.Nov 2013 (SDN)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta macallimiinta Soomaaliyeed ku ammaanay inay door geesinnimo leh ka soo qaateen sidii uu dalka uga dhici lahaa isbeddel dhanka nabadda ah oo looga soo kabanayo colaadihii dhacay.

Xasan-Sheekh-arday-300x199Madaxweynaha oo ka hadlay maalinta macallinka Soomaaliyeed oo ku beegan maanta (21-ka November) ayaa sheegay inay macallimiinta aasaas adag u dhigeen waxbarasho tayeysan oo lagu dhisayo mustaqbalka ubadka, loogana hor tagayo fikradaha xagjirka ah, wuxuuna xusay inay diyaar u yihiin macallimiinta inay hoggaamiyaan nolol wanaagsan oo horumar leh.

Maalinta macallinka ayuu ku tilmaamay inay tahay maalin taariikh weyn ku leh Soomaaliya, isagoo hoosta ka xarriiqay in uu maanta dalka galay marxalad nabad ah oo tusaale u ah sida ay macallinka iyo waxbarashada uga adkaanayaan colaadaha iyo rabshadaha.

Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay inuu in muddo ah ku soo jiray bahda waxbarashada, sidaasi daraadeed uu dareemayo in ay macallimiinta mudan yihiin in la siiyo ixtiraamka iyo sharafta ay mudan yihiin.

Sanad kasta 21-ka November ayaa Soomaaliya laga xusaa maalinta macallinka tan iyo sanadkii 1974-kii oo la asteeyay maalintaa.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed