Madaxweyne Xasan Sheekh Muxuu Ka Yidhi Somaliland Wixii Shalay Ka Dhacay Iyo Muuqaalka Maanta? DAAWO
Muqdisho 11.Sep 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay, isla markaana ay murugo badan ku hayso dhibaatadii ay dawladdii Millateriga ahayd ee Soomaaliya ka geysatay gobolladii Waqooyiga markii Soomaaliya la ahaa oo hadda ah Somaliland. Hase-yeeshee, aanay ka tanaasulin Midnimo mar kale Lugo adag ku istaagta, balse aanay hadda deg-degaynin.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay arrimo la xidhiidha gooni-isu-taagga Somaliland, Midnimada Soomaaliya iyo wadahadallada labada dhinac, sida lagu baahiyey Warbaahinta RTSNews, waxa uu sheegay in Somaliland tahay meel nabadgelyo iyo horumar badani ka jiraan, dedaallo badanina ka socdaan, halka Koonfur ay hadda ka soo baxayso duruufo adag oo nabadgelyo-darro qayb ka tahay, balse horumarka labada dhinac ay ka mid yihiin wadahadallada u socda oo uu sheegay inay yihiin kuwo bogsiimo iyo isfaham la xidhiidha, kana rejaynayo in guul iyo midnimo laga gaadho mustaqbalka dhaw.
“Somalilnad ama Waqooyiga Somaliland, dhibaato dowladdii berigaa dalka ka jirtay ay geysatay waaye waxa ku dhacay. Dhibaato aad iyo aad u xanuun badan waaye, dad badan oo Soomaaliyeed ayaa lacagtii Cashuurta ee laga qaaday Qalabkii lagu iibiyey lagu dilay, si aad u dhib badan weliba, waa arrin xanuun badan. Dabcan dalka oo dhanna dhibtaasi way ka dhacday, laakiin waa loo sii kala badnaa, gobollada Waqooyi dhibaatadu aad bay ugu badnayd. Wixii dhacay markaannu soo xasuusanno way na gubaysaa, waana ka xunnahay, aad iyo aad baanan u murugoonaynaa, dhawr mar oo horena waan idhi, waanan ku celinayaa, arrin xanuun badan bay ahayd, dawladdii berigaa jirtay baana samaysay.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Xasan.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo sii watay hadalkiisa, waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Maanta dawladda joogta Anaa Madax ka ah, magaca dawladnimada aad iyo aad baannu arrintaa ugaga xunnahay. Mana rejaynayno Soomaaliya inay dib ugu soo noqoto dawlad dambe oo waxaas oo kale ka suuroobaan wax kastoo yimaaddaba, Cudur-daar looma heli karo, saxna may ahayn dadka in lagu laayo. Xanuunkaa dhacay waxa uu u baahan yahay wakhti dheer oo bosoodin ah, waxaa socotaana waa bogsoodin.”
Xasan Sheekh mar uu ka hadlayey horumarka Somaliland iyo kala-duwanaanshaha labada dhinac, waxa uu yidhi; “Somaliland waa meel nabad ah, horumar badan baa ka jira, dedaallo badan baa socda, Annaguna duruufo gaar ah ayaan ku jirnay Koonfurta, hadda waa ka soo baxaynaa. Wadahadalku waa bilawday, waxaan qabaa in la wadahadlayo horumarka la gaadhay ayuu ka mid yahay. Aad iyo aad ayaan rejo badan uga qabaa in guul la gaadhayo, laakiin ma deg-degsanin. Soomaalida Koonfurta joogtaa waxay ku maahmaahdaa; ‘Geedkii Rooroor lagu fuulo rooroor baa looga soo deegaa (Geedkii Orodo lagu fuulo, Orod baa lagaga degaa’.”
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu si adag uga hadlay arrinta Qaddiyadda Midnimada Soomaaliyeed iyo kala socoshada Somaliland rabto, waxaanu yidhi; “Inaan degdegno ma doonayno, Midnimada in la soo celiyo ayaan rabnaa, maannaan ka tanaasulin, mana ka tanaasulayno, laakiin waxaan rabnaa in loo soo celiyo si raalli la iskaga wada yahay oo mar dambena aanay ku lumi karin. Markaa, qaddiyadda Somaliland way taagan tahay, waan daba soconnaa weli, kamaannaan quusan, mana la kala tegaayo, in la ismacasaleemeeyo wax la yidhaahdaa ma ji’raan, in la wada jiro ayaa jirto oo iyadoon la is-rabo oo aan la is-jujuubaynin la wada-jiro.”