Madaxweyne Xasan Sheekh Muxuu Ka Yidhi In Calanka Somalia Qaabkiisa Wax Ka Bedel Lagu Samaynayo?
Muqdisho 12. Oct 2015 (SDN/QJ)- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay munaasabad saaka lagu qabtay magaalada Muqdisho oo lagu xusayay maalinta calanka ayaa beeniyay in calanka Soomaaliyeed wax laga bedelayo.
Munaasabadan oo ay ka soo qeybgaleen Madaxweyne Xasan Sheekh ra’iisal wasaare Cumar Cabdrashiid Cali Sharma’arke iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kamid ahaa madaxdii kaqeybgashay 61 sano guurada maalintii ugu horeysay ee calan xor ah laga taago dalka Soomaaliya.
“Ma jirto qorshe ay dowlada wax ugaga bedeleyso calanka Soomaaliyeed waana warar been abuur in wax laga bedelayo calanka.”ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh.
Dhawaan ayaa waxa ay shabakadaha qaarkood qorayeen warar sheegaya in calanka wax laga bedeli doono ayna qorshahaas wadaan dalalka Kenya iyo Ethiopia. Wararkan ayaa tilmaamayay in labada dowladood ay u gudbiyeen ururka Midowga Afrika ashtako ah in xiddiga shan geeska ah ee dhexda ugaga taal calanka Soomaaliyeed ay tahay mid xadgudub ku ah wadamadooda maadaama ay tilmaamayso in qeybo ka mid ah wadamadooda.
Waa markii ugu horeysay ee ay dowladu beeniso in uu jiro warkaas waxana ay ku soo beegantay maalinta calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taago ciida Soomaliyeed.