|

Madaxweyne Xasan Sheekh maxamuud oo Shalay ahaa Mucaarad maantane madax ah Isla markaana Mar Labaad Doonaya in la Doorto DAAWO

shalay-MaantaMuqdisho 12.July 2016 (SDN/QJ):- Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Markii uu ku Jiray Ololaha Doorsashada Sanadii 2012, Isagoo Mucaarid ah wuxuu Eedaymo kulul usoo jeediyey Dawladii uu Madaxwaynaha ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed Isagoona ku eedaynaya Arimo kala duwan.
Xasan sheekh ayaa ku eedeeyay Dawladu inay ka shaqaynayso Kala qayb sanaanta dalka, Abaabulka Hogaamiye Kooxeedyo Cusub, Dhiiri gelinta maamul Goboleedyo Gacan ku samays ah, Madaxda Dawlada oo doonaya inay Shisheeye u garabsadaan Aayo ka talinta Soomaaliya, iyo Dhiir gelinta Dhaqan Keli Talisnimo.
Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay In Dawladu ay hor istaagtay Banaanbaxyo Bulshadu ku cabirayso Dareenkooda, Inay ku tunteen Sharcigii iyo Hanaankii Dawladnimo, Musuq Maasuq baahay iyo Inayna Jirin La xisaabtan.
Hadaba Mudane Madaxwayne maanta makuu Muuqdaan Arimahaasi ? Hadii ay Jireenba Waqtigaas Adigu Afartii Sano, Maxaad ka qabatay ? FAANOOLE FARI KAMA QODNA.

Comments are closed