Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud oo Waraaqihii Aqoonsi ka Gudoomay Safiirka Cusub ee Switzerland
Muqdisho 25.Feb 2014 (SDN)- Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga safiirka cusub ee dalka Switzerland u qaabilsan Soomaaliya, Domanic.
Madaxweyne Xasan ayaa uga mahad-celiyay Switzerland sida ay diyaarka ugu tahay xoojinta xiriirka labada dal.
Safiirka cusub ayaa ku wareejiyay madaxweyne Xasan dhambaal uu uga siday madaxda dalka Switzerland.
Wuxuu uga mahad-celiyay madaxweynaha sida uu uga aqbalay waraaqaha aqoonsiga safiirnimo, wuxuuna ballan-qaaday inay dowladdiisa ka caawin doonto Soomaaliya dib u dhiska dalka, horumarinta nidaamka federaalka iyo xasilinta dalka.
Waa markii ugu horreysay muddo 30 ah oo Switzerland ay safiir u soo magacowdo Soomaaliya.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com