Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud oo Lugtii Labaad ee Socdaalkiisa ku tagay Magaalada Jawhar
Jawhar 09.Sep 2013 (SDN)- Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta safar dhinaca dhulka ah ku tagay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe, sida uu ku soo warramay weriyaha Bar-kulan ee magaaladaas.
Maamulka gobolka, kan degmada iyo qeybaha bulshada ayaa madaxweynaha ku soo dhoweeyay magaalada.
Ciidamo isugu jira kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa si aad ah u adkeeyay ammaanka.
Madaxweynaha ayaa ka hor inta uusan gaarin magaalada Jowhar wuxuu ku hakaday degmada Balcad oo uu kula hadlay dadweyne badan oo si diiran u soo dhoweeyay.
“Socdaalka madaxweynaha uu ku tagay Jowhar wuxuu qayb ka yahay kuwo uu ku tagayo gobollada dalka uuna kula tashanayo shacabka ku nool si loo helo fikirrada bulshada ee ku aaddan sidii ay maamullo u sameyn lahaayeen,” ayuu yiri mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Xasan Sheekh ayaa ka soo kicitimay magaalada Beledweyne oo uu shalay gaaray, halkaas oo uu kulamo kula qaatay madaxda maamulka gobolka Hiiraan, odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha ciidanka Soomaalida iyo kuwa AMISOM.
Waa safarkii ugu horreeyay oo Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagayo magaalada Jowhar tan iyo markii uu noqday madaxweynaha Soomaaliya horraantii bishii September 2012.
Jawhar SDN.
Qurbejoog.com