|

Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Wafti Culus Oo Uu Hoggaaminayo Oo Gaadhay Magaalada Kismayo ee Xarunta Maamulka Jubba

Kismayo:May,07,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Dawladda Federal-ka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa goor dhaweyd gaadhay Magaalada Kismayo ee xarunta Maamul-goboleedka Jubba Land.

keseMadaxweynaha Maamulka Jubba sheekh Axmed Madoobe iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulkaasi ayaa si diiran garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo waxa ay ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xubnaha lasocda.

Xasan Sheekh iyo Xubnaha lasocda ayaa Kismaayo u tagay ka qeyb gal Munaasabad lagu caleemo saarayo Baarlamaanka Maamulka Jubba iyo Gudoonka Cusub ee Baarlamaankaasi oo dhawaan Magaalada Kismaayo lagu dhisay.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in wasiirro  iyo saraakiil kale oo ka socda Dawladaha Kenya iyo Ethiopia ay Halkaas gaadheen, iyagoo ka qaybgeli doono Caleemo saarka Baarlamaanka iyo Dhaarta Guddoomiyooda Cusub.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed