|

Soomaaliya oo $7.8 Million siisay EAC

Muqdisho July 07, 2024(QJ) -Soomaaliya ayaa la sheegay inay bixisay 7.8 milyan oo dollar oo qeyb ka ah miisaaniyada sanad miisaaniyadeedka 2024/25, taasoo ay siisay bulshada bariga Afrika ee EAC oo ay dhawaan ku biirtay.

Bixinta miisaaniyadan waxay gacan ka geysan doontaa dardargelinta qorshaha Soomaaliya si ay u hesho xuquuq buuxda oo xubinimo ah EAC, oo ay ku jiraan dhaqdhaqaaqa xorta ah ee dadka iyo ganacsiga.

Waddan kasta oo xubin ka ah EAC waa in uu ku darsadaa $8.4 milyan sannadkii miisaaniyadda hawlgelinta ururka.

Tan iyo markii ay Soomaaliya bixisay $7.8 milyan, waxaa weli lagu leeyahay 600,000 oo doolar, sida uu qoray wargeyska Bariga Afrika ee Kenya.

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, oo ku biirtay EAC laba sano ka hor, ayaan wali wax lacag ah ku biirin miisaaniyadda ururka ee is-dhexgalka gobolka ee Bariga Afrika.

Comments are closed