|

Madaxweyne Xasan oo u hanbalyeeyay dunida Islamka

Muqdisho June 15, 2024(QJ)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidul-Adxa u diray shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta caalamka ee u dabbaaldegaya munaasabaddan farxadda leh.

Madaxweynaha ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay maalmaha barakeysan ee Ciidul Adxaa, isagoo shacabka Soomaaliyeed ku dhiirigeliyay inay is cafiyaan, is taageeraan, lagana shaqeeyo danta guud, isagoo si gaar ah diiradda u saaray amniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah hambalyo iyo bogaadin u diray ciidamada qalabka sida ee naftooda u huray difaaca dalka iyo dadka.

Waxa uu u rajeeyay Qaranka Soomaaliyeed in sanadkan sanadkiisa uu ku gaarsiiyo horumar, barwaaqo, nabad iyo midnimo, isagoo kula dar daarmay in ay xoogga saaraan dib u dhiska dalka, xoojinta dowladnimada iyo la dagaalanka kuwa doonaya in ay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Comments are closed