|

Madaxweyne Xasan oo Shirka Guud ee QM ka baaqday iyo Warar Hoose Oo Sheegaya Sababta Baaqashadiisa

Muqdisho 25.Sep 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka baaqday sannadkan shirka guud ee QM, kaasoo hadda ka socda New york, Laakiin waxaa ku metelaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, C/salaan Hadliye Cumar.

 

MADAXWEYNAHA-SOOMAALIYA-XASAN-SHEEKH-MAXAMUUDHadliye, ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo Fadhiga Golaha Guud ee QM, wuxuuna wasiirku jeedin doonaa khudbadii uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka jeedin lahaa kulanka.

 

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo waqtigiisa dhamaaday ayaa haatan isku diyaarinaya tartan doorasho, isagoo doonaya inuu mar kale ku guuleysto xafiiska uu haatan fadhiyo, inkastoo ay la tartamayaan musharaxiin badan.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirka guud ee QM ka qayb-galayay sannadihii la soo dhaafay, inkastoo la sheegay in shirkan uu uga haray tartanka adag ee dhanka doorashada oo kusoo wajahan Xasan Sheekh.

 

Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa khudbadiisa kaga hadli doonaa sida ay tahay xaaladda Somalia, gaar haan doorashooyinka la filayo inay dhacaan daba-yaaqada sannadkan lagu jiro.

Comments are closed