|

Madaxweyne Xasan oo Shabaabka ku eedeeyay hurinta colaada beelaha

Muqdisho July 07, 2024(QJ) -Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay colaado beeleed ka hurinayaan deegaano ka tirsan dalka, si ay colaad uga dhex abuuraan belaha, isla markaana ay u sii huriyaan khilaafaadyo dhexdooda ah.

Madaxweynaha ayaa xusay in ujeedka ay ka leeyahay Al-shabaab ay tahay sidii ay u carqaladeyn lahaayeen wajiga labaad ee howlgallada lagu xoreynayo deegaannada ay gacanta ku hayaan, kaasoo ay dowladdu si weyn ugu diyaar-garoobayso.

“Tani waxay qayb ka tahay qorshaha argagixisadu ku doonayso inay ku kala qaybiso dadkeenna si aan uga soo wada jeesano xoraynta dalka. Taasi ma dhici doonto. Waxaan sugi doonaa amniga dalkeena, waxaana ka saari doonaa kooxaha xagjirka ah.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaallada maamul goboleedyada iyo odayaasha dhaqanka ee xalinta dagaal beeleedyada.

Waxa uu xusay in dowladda Federaalka ay dadaal xooggan ugu jirto sidii dalka nabad loogu soo dabaali lahaa.

Hadalka Madaxweynaha ayaa imaanaya iyadoo Al-shabaab ay wadaan dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayaan inay dib ugu soo ceshadaan deegaannadii horay looga saaray. Jimcihii lasoo dhaafay Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Goof-gaduud Buureey oo 30-km u jira magaalada Baydhabo, kadib weerar kedis ah.

Comments are closed