Madaxweyne Xasan oo ku baaqay xallinta cabashooyinka dhismaha baarlamaanka Jubba
Muqdisho 09.June 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in la dardargeliyo xallinta cabashooyinka ka dhashay dhismaha baarlamaanka maamulka Jubba.
War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa loogu yeeray guddiga dhawaan xukuumadda u magaacowday xallinta arrintaas in ay dhameeyaan tabashooyinka laga muujiyey hannaanka dhismaha golaha wakiillada Jubba.
Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in dowladdu horay ugala hadashay maamulka Jubba in cabashooyinka beelaha ee ku saabsan qeybsiga baarlamaanka maamulka la dhameeyo.
Hadalka madaxweynaha ayaa imanayo iyadoo baarlamaanka Soomaaliya uu u codeeyey mooshin ka dhanka ah sharci ahaanshaha golaha wakiillada Jubba.
Muqdisho SDN/QJ