|

Madaxweyne Xasan oo ka hadlay Howlgallada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab ee ka socda dalka

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay Qaabka ay u socdaan hawlgallada Millateri ee ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab oo uu ugu yeeray koox Nabad-diid ah.

 

Xasan Sheekh ayaa sheegay in ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyagoo xaalad adag ku jira ay si wanaagsan isku garabsanayaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, isla markaana ay guulo la taaban karo ka soo hoyeen Gobollada Bay, Bakool, Gedo, Galguduud iyo Hiiraan.

 

“Aad baan u bogaadinayaa Ciidamadeenna iyo kuwa AMISOM ee Hawlgalkan ka qayb-qaadanayaa. Hawlgalkan cusub waa mid loogu talo-galay in muddo aad u yar Al-shabaab dalka oo dhan looga saaro. Ciidanku waxay naftooda u hurayaan inay nabadda iyo noloshii caadiga ahayd dib u soo celiyaan, iyagoo isku furaya degaanno horey u adkaa in la tago ama adeegyo loo fidiyo,’’ ayuu yiri Xasan Sheekh.

 

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in ciidamada Itoobiya ee Hawlgalka AMISOM ka qayb-qaadanaya ay dadaal dheeri ah muujiyeen, iyagoo adeegsanayo awood dheeri ah.

 

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa sidoo kale tacsi u diray qoysaska & eheladii ay ka baxeen ciidankii ku naf waayey hawlgalka iyo sidoo kale dadka shacabka ah ee waxyeelada ay ka soo gaartey hawlgallada socda.

 

“Waxaan mar walba ku adkeynayaa ciidamadeenna iyo kuwa AMISOM inay si taxaddar leh u xaqiijiyaan nabadqabka iyo badbaadinta dadka rayidka ah, amarkaasina waa midka ay ku shaqeynayaan. Waxaa naga go’an in nidaamka iyo kala dambeynta lagu fuliyo hawlgallada socda, shacabkuna ay sii kordhiyaan taageerada ay siinayaan ciidamadan naftooda u huraya badbaadinta iyo nabad ku soo celinta waddanka,’’ ayuu yiri Xasan Sheekh.

 

Ugu dambeyin, Madaxweyne Xasan ayaa hambalyo u direy Ciidamada Xoogga iyo dalalka ciidamada iyo dhaqaalahaba ugu yaboohay hawlgalkan dalka looga sifeynayo cadowga, kaasoo uu Madaxweynuhu sheegay inuu horseedi doono deggenaansho buuxda oo ka dhalata gobolka Geeska Afrika.

 

Comments are closed