Madaxweyne Xasan oo Ka Hadlay Dhimashada Roobabku ku Keeneen shacabka Deegaanada Puntland, Caalamkana Baaq u diray
Muqdisho:12- Nove- 2013(SDN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud, ayaa ka hadlay dhibaatada ay keentay roobabka qaboqga badan eek u dhuftay ismaamulka Puntland.
Madaxweynuhu waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray dadkii ku waxyeeloobay Roobabkaas dabaylaha wata eek a da’ayey xeebaha Puntland, waxana uu Baaq u diray Beesha caalamka, “Caalamku waa inuu gurmad deg-deg ah la soo gaadhaa dadkii ay saameeyeen duufaaanta Cyclone oo boqolaal ay ku geeriyooday, kumanaan qofna uu hoy la’aan dhigay, isla markaana xoolihii saameeyey. Waa maalin mugdi ah oo dhammaan Soomaalida meel walba ay joogaan waa inay gar-gaar deg deg ah la soo gaadhaan wallaalahooda.” Ayuu yidhi madaxweyne Xasan sheikh maxamuud.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale dadka soomaaliyeed ku dhiirrigeliyey inay gurmadka dadkaa lagu badbaadinayo ka qayb qaataan oo ay naftooda Huraan, waxana uu yidhi, “ Duufaanta xoogga leh ee wadato roobab waxey khasaare weyn u geysatay degaanada xeebaha Puntland, Somalia oo xoolo, duunyo iyo khasaare nafeedba ay geysatay, Waana inaan u wada gurmanaa oo aan waxba la hadhin si aan walaaleheena Tabaalaysan gacan u siino.”
S.D.N