|

Madaxweyne Xasan oo Guddoomiyay shir looga hadlayo dhaqaalaha Argegixisada

Muqdisho November 05, 2024(QJ) – Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta shir guddoomiyey kulan degdeg ah oo muhiim ah oo diiradda lagu saaray la dagaalanka maalgelinta argagixisada.

Shirkan ayaa waxaa ka mid ahaa Guddiga Qaran ee XSHM, Hay’adaha Amniga iyo Hay’adaha kale ee muhiimka ah ee Dowladda, iyadoo kulankan uu daba socday guulihii ay horay dowladdu uga gaartay la-dagaallanka Maalgelinta Kooxaha Argagixisada.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta dadaallada lagu carqaladeynayo maalgelinta argagixisada, iyadoo laga soo saaray go’aanno adag oo lagu beegsanayo cid kasta oo ku lug leh maalgelinta falalka argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku nuux-nuux saday in gacan adag laga qaadi doono cid kasta oo ka qeyb qaadaneysa dhaqdhaqaaqyada lagu taageerayo maalgelinta argagixisada.

Madaxweynaha ayaa faray hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa amniga inay qaadaan tallaabooyin deg-deg ah oo lagu joojinayo lacagaha baadda ah ee ay Khawaarijtu ka geystaan ​​shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa digniin culus u jeediyay ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay inay ka fogaadaan wax ka qabashada kooxaha xagjirka ah. Waxa uu caddeeyay in cid kasta oo lagu helo ku lug lahaanshaha maalgelinta argagixisada ay la kulmi doonaan tallaabooyin adag oo sharci ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xoojineysa dadaallada lagu ciribtirayo halista argagixisada si loo xoojiyo amniga iyo xasiloonida dalka.

Comments are closed