|

Madaxweyne Xasan oo dhaliilay damaca Itoobiya

Muqdisho June 24, 2024(QJ)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furay Shirka Wadatashiga Bulshada Rayidka ah ee Bariga Afrika ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay deris-wanaagga iyo xoojinta iskaashiga gobolka si waafaqsan danaha wadaagga ah.

Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay horumarinta maalgashiga iyo in dowladuhu ay si sharci ah u wadaagaan fursadaha jira. Wuxuu hoosta ka xariiqay in damaca dowladda Itoobiya ee ku aaddan qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya uu wiiqayo wadashaqeynta gobolka iyo isdhaafsiga dowladaha, iyo sidoo kale nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Shirka oo ay ka soo qeyb galeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Khubaro dhanka dhaqaalaha ah, Safiiro, iyo wakiilo ka socday Jaamacadaha dalka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha Soomaaliya ee Bulshada Rayidka ee Bariga Afrika, gaar ahaan fursadaha ay heystaan ​​ganacsatada iyo bulshada rayidka ah.

Khubarada ayaa sidoo kale si qoto dheer u falanqeeyay siyaabaha lagu horumarin karo ganacsiga iyo xiriirka bulshada ee Soomaaliya iyo wadamada kale ee xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku sheegay muhiimadda ay leedahay iskaashiga iyo wadajirka si loo horumariyo dhaqaalaha dalka, loona abuuro fursado shaqo oo waara.

Comments are closed