|

Madaxweyne Xasan: Itoobiya waxey dooneysaa dhul horleh oo ay naga qabsato

Muqdisho November 01, 2024(QJ) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta oo Sabti ah khudbad ka hor jeediyay kalfadhiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa baarlamaanka u sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay yihiin dalal deris ah oo leh taariikh cakiran oo aan mar walba nabad ahayn.

Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa ku xusay in Itoobiya ay jeysato dhul Soomaaliyeed oo gumeysigu siiyay, isla markaana ay hadda raadinayso dhul hor leh oo ku yaalla guddaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu ka hor jeediyay baarlamaanka Soomaaliya ku sheegay in dowladdiisu aysan aaminsaneyn in ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee dhulka Soomaaliya ay keeni karto in ururka Al-Shabaab qabsado deegaannadaas.

Comments are closed