MADAXWEYNE XASAN: Hawl-gallo ka dhan ah Al-shabaab ayaa ka billowday Gobollada Dalka
Muqdisho (QJ/SDN) – Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay sheegay inuu billowday duullaan looga horjeedo Al-shabaab, kaaso uu sheegay inay wadaan ciidamada xoogga Somalia iyo kuwa AMISOM.
Xasan Sheekh ayaa hadal uu ka jeediyay kulan lagu qabtay madaxtooyada ka shaaciyay in howlgalladaan ay yihiin kuwo la doonayo in Al-sabaab looga saaro deegaannada ay weli ku harsan yihiin, isagoo xusay in la maqli doono warar lagu farxo. isla markaana ay dib ka faahfaahin doonaan duulaankaas.
“Waxaa rabaa inaan idiin sheego in ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMISOM ee aan saaxiibbada nahay ay hawlgallo ka billlaabeen deegaanno ka mid ah kuwa dalka oo ay cadowgu gacanta ku hayaan, war aad ku faraxdaan iyo faahfaahin ayaa maqli doontaan dhawaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in ciidamada Hawl-galka wada ay hog-gaaminayaan saraakiil iyo mas’uuliyiin kasoo jeeda gobollada Soomaaliya. Isagoo yiri. “Ciidamada waxaa la socda dad mas’uuliyiin waa-weyn oo kasoo jeeda gobollada dalka, qaarkoodna aan Muqdisho laga dirin, waxaana ka mid ah goobaha ay duullaannadan ka billowdeen Gobollada Shabeellaha Hoose iyo weliba Jubbooyinka.”
Ciidamada DF Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay in saacadihii u dambeeyay u jiheysteen deegaanno ka tirsan gobollada koonfurta iyo bartamaha Somalia, halkaasoo ay saldhigyo ku leeyihiin Al-shabaab.
Dhanka kale, Wararka ayaa xusaya in meelaha ciidamada dhaq dhaqaaqyada ka wadaan ka mid ah deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose, Jubbooyinka, Bariga Gobolka galgaduud iyo Shabeellaha Hoose.
Ugu dambeyn, Taliska AMISOM ayaan dhankooda ka hadlin Duullaanka Madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud uu sheegay inay ka billowadeen gobollada dalka qaarkood, kuwaas oo looga horjeedo Al-shabaab.