“Madaxweyne Waxaad Goob Joog Ka Aheyd Shir Loogu Kala Abtirinaayay Ummadda Aad Hoggaamiso, Oo Ay Dibad Joog Ka Ahayeen Wasiirada Kuwii Kuu Ooyi Jiray Sababto Ah Beelaha Shiraayay Oo Aanay Ka Soo Jeedin “. Muniir Axmed Cigaal DAAWO
Hargaysa 30. November 2016 (SDN/QJ):- Mudane Madaxweyne, Odaygii iyo haggaamiyihii Siyaasadeed ee maanta ugu da’da weynaa dalka ayaad tahay, Mudane Madaxweyne Somaliland Dimuquradiyadeedi hormuud ayaad ka ahayd, halgankeedi debadda loogu baxayna hagaayashi ugu wakhtiga dheera baad ahayd. Maantana waxad tahay Iimaankii iyo gadh hayeenka dalkan Jamhuuriyadda Somaliland hoggaankeeda hayay. Mud. Madaxweyne haddii ay xumayd iyo haddii ay samaydba waxaad ahayd ninkii kaga tagay 80-ka cod kursiga, way ku anfacday oo muddo kadib waxaad noqotay oo alle qadaray inaad ku soo baxdo doorashadii taas ku xigtay ee dalka ka qabsoonta.
Mudane Madaxweyne guusha doorashadaasi may ahayn mid qofeed, manay ahayn mid qabiil iyo mid gobol gaara, wadar Qaranka Somaliland wada leeyahay ayay ahayd.
Mudane Madaxweyne dadkii ku doortay waxay ahaayeen dhammaan Gobolada Somaliland, guul ay shacbigu gaadheen oo aad maantana Madaxweyne ugu tahay ayaanay ahayd, iyadoo la ogaa codadkii aad heshay iyo codadkii labada Xisbi ee kula tartamaayay ay heleen faraqa u dhaxeeyay oo aha kala badh, taas oo cadayn u ah in laguugu codeeyay rabitaan bulshadeenu ku naawilayeen isbdal dhaba oo gaadhsiiya himiladooda.
Mudane Madaxweyne Tageeradii ka aradnayd Dimuquraadiyada ee Xisbigii KULMIYE aad ugu xidhay Muuse Biixi Cabdi, waxay dhaawacday Dawladdii aad hoggaaminaysay, waxay kala dhantaashay Xisbigii KULMIYE ee aad muddada dheer gadhwadeenka ka soo ahayd, waxaana kala irdhoobay saxiibadii badnaa ee wakhtiyada qaar safka kugula wada jiray, dhitiskaasi ilaa maanta wuxu ka muuqda Xisbigii KULMIYE iyo Dawladda aad hoggaamiso, oo aan ka soo kaban dhawacii ka gaadhay talladii kalifka ahayd ee ka imanaysay kaliyayaal aan nasteex u ahayn danta Qaranka iyo midii Xisbigaba.
Mudane Madaxweyne markale hiilkaaga Maanta ee aad Murashaxnimada Muuse Biixi Cabdi ugu hiilinayso, waxa layaab iyo amakaag shacbiga Somaliland ku noqotay muqaaladii Telefeeshinada ka baxay iyo hadaladii dhiifta laha ee Burco bulshada looga soo diray. Mudane Madaxweyne Safarkii aad ku jirtay ee aad ku soo aragtay abaarta isma eegatada ah ee ka jirta dalkeena, waxaad ku soo gunaanaday, Gobolkaagi Burco, Gurigaagi Burco, olole ooda loogu kala rogay ardaayadii wada deganaa oo aad adigu Madaxweyne u wada tahay, iyadoo hortaada loogu kala abtirinaayay ummadda alle ku wada abuuray bogcad ay waligood kuwada noolaan doonaan. Mudane Madaxweyne waxad goob joog ka ahayd shir ay dabad joog ka ahayeen Wasiiradii kula socday intoodi badnayd, sababtoo ah iyagoo aan la qabiil ahayn Wasiiradii kale ee goobta kugu wehelinaayay. Mudane Madaxweyne ololaha kala qaybiyay Wasiiradadii ku sinaa waxa cad inaanu khayr u soo wadin ummadda Somaliland ee ku kala nool Min Saylac ilaa Dhahar, kuwaas oo u wada baahan wax isku wada mid ah, una haraadan in loogu wada abtiriyo si isku mid ah oo aan kala sarayn lahayn, kala abaal sheegashana lahayn.
Mudane Madaxweyne Qaranka Somaliland Imaankiisa koobaad waa adiga, odaygiisa koobadna waa adiga, dhammaan Soyaalkaga tarikheed ee suuban, iyo guud ahaan wixii samo aha ee aad dalkan u soo samaysay, qalinka saxeexi doona iyo shanbada sugi doonta waxay ahaan doonta hadba siidaad ugu garsoorto tartamaayasha doorashada oo adiga ku ah midigtaadi iyo bidixdaadi, kuwaas oo aan ahayn qaar loo kala hiiliyo, qaar hayb hayb iyo haan haan loo kala saaro, qaar habar habar loo kala xareeyo. Mudane Madaxweyne hay’adaha doorashada u xilsaaran madax banaanidooda, ka ilaalinta farogalin kasta oo wax yeelaysa shaqadii loo igmaday, ilaalinta cadaaladeed ee hananka dawladda mid hoose iyo mid sare, xaqiijinta doorasho xor iyo xalaal ah hoggaamin taas cida laga wada sugaayo Mudane Madaxweyne waa adiga.
Mudane Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, oo kursiga kugu wareejiyay si nabad ah, xilkana kugu tiriyay si nabad ah isagoo waliba aha Murashaxii tartanka ugu adagi idin dhexmaray, si ka duwan sidii uu yeelay waxa maanta adiga ku horyaala adigoo Odaygii ummadda ah, adigoo ah Oday aan maanta tartamayn, waxay shacbiga Somaliland ka sugayaan inaad sagootin uga dhigtid, cadaalad, ceeb la’aan, cunfi la’aan, kala qayb la’aan ay in badan kugu mahadin doonaan. Mudane Madaxweyne haddii Daahir Rayaale Dardaarankiisu ahaa inuu kugu wareejiyay dal mid ah iyo dad mid ah, adna waxaanu ka rajaynaynaa in aad Qaranka u hiilin doontid oo aanad qof qudha u hiilin doonin. Mudane Madaxweyne iyadoo ummadeenu hilbo wada dhashay iyo hayb qudha yihiin, waxa hortaada lagaga faaloonayay dagaladii 54-kii, oo ah boogo casri jahiligii ay beelaha Gobolka Togdheer ee aad qayb kamid ah la shirtay soo kala dhex martay, taas oo aanay haboonayn in maanta la xoqo, waliba ay ka soo baxdo afka Wasiir kaaga maaliyada oo ah Wasiirkii ugu cuslaa Xukuumadda aad hoggaaminayso.
Mudane Madaxweyne waxad ogaata, waxaad gacanta ku haysaa wax rer gaar ahi leeyahay maha, wax laba rer gaar u leeyihiina maha, waa haybadii iyo karaamadii Qaranka oo dhan oo adiga lagugu uruuriyay, Mudane Madaxweyne may ku tudhin kuna tudhi mayaan, kuwa kugula taliyay adigoo hantiyay dhammaan haybadii ummadda inay goob joog kaga dhigaan goob dadkaagi lagu kala firdhinaayo, waliba xilli ay abaar iyo macaluul la ildaran yihiin.
Gebo Gebadii: Golayaasha Qaranka ee Guurtiyda iyo Wakiilada, Ganacsatada iyo Culimada, Saladiinta iyo Cuqaasha, ururada bulshada ee aan dawliga ahayn iyo dhammaan shacbiga Somaliland, wuxuu Xisbiga WADDANI cod dheer ugu baaqaya inay ka feejignadaan wax kasta oo kala qaybinaaya bulshada Somaliland.