|

Madaxweyne Wasaarada Xanaanada Xoolaha Maad U Wayday Agaasime Guud Oo Vatenary Ah!

Sida Aan Ka Wada War Qabno Dhaqaalaha Dalkeenu Waxa Uu Ku Ku Tiirsanyahay  Xoolaha Nool Ee Aan U Iib Gayno Carabta, Sidaa Daradeed Waxa Muhiim Ah In Isha Lagu Hayo Xanaanaynta Iyo Daaweynta Xoolaha Oo Markasta Ay Tahay In Ay Dawladu Si Gaara Ula Socoto.

Hadaba Intii Uu Xilka La Wareegay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxmed Silaanyo Waxa  Aad Modaa In Wasaaradii Xanaanada Xoolaha La Dayacay Oo Aan Dadkeedii Ku Haboonaa Loo Dhiiibin, Mudane Madaxweyne Wasaarada Xanaanada Xoolaha Waxa Aad Markii Ugu Horaysay U Dhiibtay DR. Axmed Xaashi Oday Oo Ahaa Dhakhtar Xoolaad Isaga Oo Kala Wareegay Wasiirkii Ka Horeeyay Alle Ha U Naxariistee Dr. Idir Oo Isna Ahaa Dhakhtar Xanaanda Xoolaha Ah Taasina Waxa Ay Muujinaysaa In Ayna Wasaarada Xanaanada Xooluhu Marnaba Ka Maarmayn Dad Takhasusu U Leh Caafimaadka Xoolaha (Vatenary Doctors). Hadaba Madaxweyne mudooyinkan danbe Waxaad Wasaaradii Gacanta U Galisay Dad Aan Ehel U Ahayn Wasaarada.

Wasiirka, Wasiir ku xigeenka Iyo Agaasimaha Guud Midna Aqoon Uma Laha Caafimaadka Xoolaha. Hadaba hadii wasiirka iyo wasiir ku xigeenku noqdeen political post waxa aad iyo aad lagama maarmaan u ah in uu gaasimaha guud noqdo dhakhtar (Vatenary Doctor) taas oo uu  noqonayo agaasimaha guud mishiinkii wasaaradu ay ku socotay waxna laga waydiinayay shaqada wasaarada, tusaale ahaan haday hay’adaha dawladu sida golayaasha sharci dajintu haday u baahdaan inay wax ka weydiinayaan xoolaha dalka waxa ayaan daro ah in agaasimihii guud ee ay ahayd in uu ka jawaabo aanu aqoon u lahayn xogna aanu ka bixin karin hadii wax laga weydiiyo caafimaadka iyo xoolha dalka waayo ma garanayo cudurada xoolaha ku dhaca.

Agaasimaha guud waa nin ka madhan ama aan aqoon u lahayn shaqadan uu hayo mana jiro xidhiidh wada shaqayneed oo uu la leeyahay (Vatenary Doctors) wasaarada ee aqoonta u leh.

Taasina Waxa Ay Caqabad Ku Tahay Siyaasada Caafimaadka Xoolaha Ee Dalka.

Agaasimaha guud waxa uu media mariyay daawo dhacday oo ay wasaaradu kala wareegtay hay’adaha la shaqeeeya wasaarada taas oo sumcad xumo ku ah wasaarada.isaga oo sheegay in ay bakhaarada daawada taalay iyada oo dhacsan imikana aanu ka war hayno in uu gubayo dawadaa Agaasimaha guud waxa uu caadaystay in uu wasaarada dhexdeeda ka abuuray qabyaalad isaga oo shaqaalaha waydiiya qabaa’ilkooda iyo goboladooda.

Soo Jeedin: wasiirka cusub ee wasarada xanaanda xoolaha iyo wasiir kuxigeenka inay dib u eegaan shaqada agaasimaha guud oo aan aqoon u lahayn caafimaadka xoolaha tasina ay sababi karto in ay meesha ka baxdo shaqadii wasaaradu.

Mudane wasiir waxa haboon in aad codsato agaasime guud oo ku haboon shaqada wasaarada aqoona u leh caafimaadka xoolaha nool.

Waxa kale oo wasiir aan kuusoo jeedinayaa inaad la tashato (Vatenary Doctors) jooga wasaarada iyo gobolada dalka si lootayeeyo caafimaadka xoolaha nool oo ah laf dhabarta dhaqaalaha dalaka.

DR. Ahmed Mohamed (John)

Comments are closed