|

Madaxweyne Trump Oo Ku Dhawaaqay Hadal Lama Filaan Ah Oo Wadnaha Gooyey Dowlada Qadar

Washington 07. June 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa sheegay in kuu ka dambeeyay xiriirka ay dalalka Khaliijku u jareen dawladda Qadar.

Arintan ayey la yaab iyo lama filaan ku noqotay dadka la socda xiisada ka dhex aloosan dalalka khaliijka, iyadoo Maraykanku uu dalka Qadar ku leeyahay saldhig weyn oo milateri kaasoo ay ku sugan yihiin kumanaan askari.

 

Trump ayaa sheegay in markii uu dhawaaan booqday Sacuudiga loo sheegay in dalka Qadar uu maalgaliyo aragtida xagjirka ah.

 

“Markii aan booqashada ku tagay Bariga Dhexe waxaan carrabka ku adkeeyay in aan hadda ka dib la maalgalin karin aragtida xag jirka ah” ayuu yiri Trump “Socdaalkaygii wuu miro dhalay” ayuuna sii raaciyay madaxweynaha Maraykanku.

 

Sacuudi Carabiya, Baxrayn, Isutagga Imaaraadka Carabta, Yemen iyo Dawladda Liibiya ee ku sugan dhanka bariga iyo dalka Maldives ayaa dhammaantood u jaray calaaqaadkii dublamaasi iyo xiriirradii kale ee ay la lahaayeen dawladda Qadar.

 

Waxay ku eedeeyeen in ay teegeerto argagixisada gobolka iyo tan caalamiga ah ayna dhibaato ku tahay amniga caalamka.

 

Muwaadiniinta Qadar ee ku nool Baxrayn, Sacuudi Carabiya iyo isutagga Imaaraadka Carabta ayaa loo qabtay labo todobaad in ay dalkooda ku aadaan.

 

Qadar ayaa diiday inay taageerto argagxisada, wasiirkeeda arrimaha dibadduna wuxuu ku baaqay in la qabto wadahadal aan waxba lakala qarsanaynin oo daacadnimo ku dheehan tahay.

Comments are closed