|

Madaxweyne Trump oo Go’aankii Xayiraadda Socdaalka Muslimiinta u Gudbiyey Maxkamadda ugu sarraysa Maraykan

Washington 05. June 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa ka dalbaday Maxkamadda ugu sarreysa dalkaas inay dib u soo celiso Go’aankii Xayiraadda Socdaalka ee uu Trump ahaan ku soo rogay Dadka lix Dal oo Waddamada Muslimiinta ka tirsan u dhashay ee raba inay u safraan Maraykanka.

Xayiraadasi ayaa waxaa meesha ka saaray maxkamadaha hoose ee dalka Mareykanka oo ku tilmaamay in ammarkaasi uu ahaa mid si gooni ah u takoorayay Muslimiinta.

Xukumadda Trump ayaa maxkamadda ugu sareysa ka dalbatay inay buriso go’aannada ay maxkmadaha hoose ee Mareykanka ku horjoogsadeen amarkiisa. Xayiraadaasi ayaa sababtay muran badan iyo muddaaharaadyo ka dhacay gudaha Mareykanka.

 

“Waxaan ka dalbanay Maxkamadda sare inay dhageysato kiiskan muhiimka ah waana ku kalsoonahay in amarka madaxweyne Trump uu waafqasan yahay qeynuunka u yaalla dalka. Waxaana looga gol leeyahay in lagu ilaaliyo badqabka dalka loogana hortago in argagixiso ay dalka soo gasho.” Sidaa waxa tidh Sarah Isgur Flores oo ah Afhayeen u hadashay Waaxda Arrimaha Cadaaladda .

 

Maxkamadda, ayaa go’aan ka gaadhi doonta inay dhageysan doonto Dacwaddan iyo in kale. Haddii ay guda-gasho inay dhegeysato, waxay qaadan kartaa muddo ku siman illaa iyo bish October ka hor inta aanay go’aan gaadhin.

 

Amarka, ayaa dhigayay in muddo 90 cisho ah aan dal ku gal la siin karin Muwaaddiniinta dalalka kala ah; Soomaaliya, Suuriya, Suudaan, Liibiya, Yemen iyo Iiraan. Waxa uu sidoo kale muddo 120 cisho ah mamnuucayaa dhammaan Qaxootiga geli lahaa ama la geyn lahaa waddanka Maraykanka.

 

Dalka Ciraaq oo markii hore toddobo ku ahaa Dalalkaas Muslimiinta ah, ayaa Liiska laga saaray, ka dib markii uu oggolaaday in Muwaaddiniintiisa dooneysa in ay galaan Maraykanka lagu soo rogo baadhitaan dheeraad ah.

Comments are closed