|

Madaxweyne Trump Oo Bilaabay Ciyaar Uu Hore Ugu Dhalleeceeyey Obama!

Washington 26. December 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Cusub ee Dalka Maraykanka ayaa galay fasax uu ugu Diyaar garoobayo xaflada uu xilka kula wareegi doono bisha soo socota.

Waxaanu bilaabay inuu Ciyaaro Ciyaar ay Madaxweynayaal badan oo soo maray dalkaasi  ay aad u jeclaayeen, taasoo ah Ciyaarta Golf-ta, waxaana ka mid ahaa Madaxweynayaashii  aadka u jeclaa ciyaartaasi Madaxweyne Dwight D.Eisenhower iyo sidoo kale Madaxweyne Obama oo bisha Danbe xilka ku wareejin doona Madaxweynaha cusub ee Trump.

Madaxweyne Trump ayaa leh Garoomo aad u tira badan oo lagu ciyaaro ciyaartaasi laakiinse waxa arrin aad  loola yaabo noqotay in Madaxweyne Trump uu ku eedeeyay Madaxweyne Obama markii uu xilka hayay inuu waqtigiisa ku lumiyo Ciyaarta Golf-ta, islamarkaana waxa la filayay in aanu isagu ciyaari doonin marka uu guuleysto Madaxtinimada dalkaasi, laakiin waxa la arkay inuu isagu ku dhaqmay arrintii uu ku eedaynayay Madaxweynihii ka horreeyay, waxaana ka dhashay su’aalo badan oo aan ilaa iyo haatan wax jawaab ah loo hayn.

Comments are closed