|

Madaxweyne Siillaanyo Oo Cafis Ku Sii Daayey Laba Ka Mid Dadkii Ku Xukunaa 7-8 Sannadood Oo Xadhig Ah Iyo Rafcaankii Xamarji Iyo Axmed Cilmi Yare Oo Maanta Bilaabmaya

Hargeysa, Sept 19, 2012(SDN)– Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa shalay Cafis Madaxweyne xabsiga kaga sii daayey laba ka mid ah shakhsiyaadkii ku xukunnaa raashin mucaawimo ah oo la musuq-maasuqay, kuwaas oo lala xukumay masuuliyiin xukuumadda Somaliland ka tirsanaa.

Sida warar xog-ogaal ah oo Madaxtooyada ku dhawi sheegeen Madaxweyne Siillaanyo ayaa wareegtada uu ku soo saaray cafiskiisan Madaxweyne waxa uu u cuskaday xaalado caafimaad oo uu sheegay inay la soo derseen labada nin oo kala ah Cabdishakuur Cabdi Nuur oo ah ganacsade Bakhaaro ku leh magaalada Hargeysa oo lagu eedeeyay inuu iibsaday raashinka mucaawimada ah ee la leexsaday, kaas oo Maxkamaddu ku xukuntay toddoba (7) sannadood oo xadhig ah iyo ninka kale oo la yidhaahdo Axmed Maxamuud Geelle (Timacadde), ahaana guddoomiyaha NGO-gii Waddaniga ahaa ee SIWA, kaas oo ay hay’adda  Cumaan u xilsaartay qaybinta raashinka mucaawinada ah, kaas oo isna Maxkamaddu ku xukuntay siddeed (8) sannadood oo xadhig ah, waxaanay ilo-wareedyo u dhuun-daloola Xabsiga dhexe Hargeysa oo ay ku xidhnaayeen labada nin xaqiijiyeen in shalay gelinkii dambe xabsiga dhexe laga siidaayey labada nin ee Madaxweyne Siillaanyo cafiska ku sii daayey.

Hase yeeshee Madaxtooyada Somaliland ayaan ilaa hadda si rasmi ah u shaacin cafiska Madaxweyne ee lagu sii daayey Cabdishakuur iyo Timacadde oo xukunnaa musuqmaasuqa raashinka mucaawinada ah.

Wareegtada Madaxweynaha ee uu cafiska ugu fidiyay labada nin, ayaan lagu soo darin Badhasaabkii hore ee Hargeysa Axmed Cumar Cabdillaahi (Xamarji) iyo Agaasimihii hore Dib-u-dejinta Axmed Cilmi Barre, oo ka mid ahaa masuuliyiintii lagu xukumay isla dacwaddaas raashinka la leexsaday, kuwaas oo xukunka Maxkamadda Hargeysa ku ridday rafcaan hore uga qaatay, iyadoo maalinta beri ah loo balansan yahay inuu bilaabmo dhegaysiga Maxkamadda Rafcaanka.

Toddobaadkan ayay ahayd markii ay Qareeno caalami ah iyo khubaro ka tirsan Qurba-jooga reer Somaliland oo kaashanaya hay’ado caalami ahi, ay dacwad ka dhan ah Xukuumadda iyo Garsoorka Somaliland u gudbiyeen Maxkamadda Dambiyada ee Adduunka (Hague), taas oo sida ay qaar ka mid ah qareenada caalamiga ah iyo qurba-jooga reer Somaliland u xaqiijiyeen wargeyska Saxafi, dacwadoodii ay ka aqbashay Maxkamadda Hague inay eegto, maadaama Maxkamaddu garowsatay in xadhigga masuuliyiintani yahay xadhig siyaasi ah.

Tallaabadan u dambaysay ee uu Madaxweyne Siillaanyo wareegtadiisa cafiska ah kaga reebay labadan masuul ayaa waxay iftiimisay in xadhigoodu yahay mid siyaasi ah, taas oo ay marar badan xukuumadda Somaliland ganafka ku dhufatay eedo loogu jeediyay in xadhigga labadan masuul yahay mid siyaasi ah, isal markaana xukunka Maxkamadda gobolka Hargeysa ku xukuntay masuuliyiintani ahaa mid siyaasadaysan oo xukuumaddu u yeedhisay.

Dhinaca kale, hay’adda caalamiga ah ee u doodda xuquuqda bani aadamka Amnesty International ayaa la sheegay inay Madaxtooyada Somaliland la soo xidhiidhay si ay wax uga weydiiso xadhigga masuuliyiintan, hase yeeshee warar xog-ogaal ahi waxay sheegeen in Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada oo ay masuuliyiinta Amnesty International la soo xidhiidhay ka war-wareegeen inay khadka telefoonka ugu xidhiidhiyaan Madaxweynaha Somaliland oo ay madaxda Amnesty International codsadeen inay arrintan si toos ah wax uga weydiiyaan.

Sidoo kale qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka UK ee u ololeeya Qadiyadda Madax banaanida Somaliland, ayaa la sheegay inay toddobaadkii ugu dambeeyay la soo xidhiidhayeen masuuliyiinta xukuumadda Somaliland, kuwaas oo sida ilaha tibaaxahan laga helay sheegeen ay ka dalbanayeen inaanay faro-gelin xukunka la filayo inay Maxkamadda Rafcaanku ka gaadhi doonto dacwadda masuuliyiintan oo dhegaysigeeda loo balansan yahay inuu bilaabmo maanta.

Waxa kale oo ay ilahani tibaaxeen in Xidlhibaanada Baarlamaanka UK u sheegeen madaxda Somaliland in eedaha xukuumadda Somaliland loogu jeedinayo inay faro-gelin ku leedahay dacwaddan masuuliyiintani ay dhaawac ku keeni karto qadiyadda ay u ololeeyaan ee madax banaanida Somaliland, gaar ahaan dacwadda xadhigga siyaasiga ah ee masuuliyiintani u xidhan yihiin ee dhowaan loo gudbiyay Maxkamadda Hague.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews

Comments are closed