|

“Madaxweyne Siilaanyo Wuxuu Dib U Raray Somaliland…..” Mujaahid Cali Guray

Hargeysa, 23 March 2015 (SDN/QJ)-Gudoomiyaha saddexaad ee Ucid, Mujaahid Cali Guray, ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo 5-tii sanno ee uu xilka hayay u dhiganto shan sanno oo Somaliland dib u guurtay marka loo eego meeqaamka ay Somaliland dunida ku lahayd.

Cali GurayWaxa uu sheegay inaanay jirin warbixin kaliya oo wanaag ka qortay Somaliland 5-tii sanno, halka hore loo majeeran jiray”Somaliland way jirtay xiliyo ay ku waynaan jirtay indhaha bulshada caalamka oo ay qiri jireen waxa aynu qabsanay inaga oo ahayn dal dagaal ku burburay oo aan cid gacan qabatay jirin. Waxay odhan jireen Somaliland waxay mudan tahay ku dayasho ilaa markii dambe ey ka yaabeen ay gaadheen heer ay ku tilmaamaan inay tahay MUCJISADA AFRIKA.

Laakiin Somaliland taasi may ahayn tan uu Axmed Silanyo ka yahay madaxwaynaha. Tan iyo maalintii xilka loo dhaariyay Madaxwayne Siilaanyo ma jirto warbixin keliya oo wax wanaag ah ka sheegtay Somaliland mid ka dayrinaysa mooyaane, sidaa daraadeed shantii sanadood ee xilka loo doortay Axmed Siilaanyo ayaa noqotay Shan geedi oo Somaliland ay dib u guurtay dhinaca dawlad wanaaga iyo dimuqraadoyadaynta iyo dhinacyo kale, marka laga reebo dhismayaal aan badnayn oo soo kordhay intii ay xukuumadani jirtay. Hadaba dhismayaasha ay soo kordhisay miyay u dhigmi karaan shan geedi oo Madaxwane Siilaanyo uu dib u raray Somaliland” ayuu Cali Guray ku yidhi Qoraal uu arrintan kaga hadlay.

Comments are closed