|

Madaxweyne Siilaanyo Waakan Maanta Waqooyiga Hargeysa ku Tukadaye Ma waxa uu Hibanayaa hiirTaanyadii uu ka qaaday Reer A/dhagax Furitaankii Ciyaaraha Gobolada?

AMARHargeysa: 8-Aug-2013 (SDN)Madaxweynaha Somaliland md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa  maanta salaaddii ciidulul-fidriga iska baal maray shacab badan oo ku sugayey Masjid-jaamaca Hargeysa, isagoo doorbiday inuu shacabka Garoonka Xawaadle oo ku yaalla Dhinaca waqooyi ee Magaalada Hargeysa la tukado salaadda.

Madaxweynaha oo intuu madaxnimadda dalka hayey looga  bartay inuu ku Tukado Masjid-jaamaca weyn ee Hargeysa, ayaa dhinac uga leexday inuu mar haddii uu Garoon tegayo beegsado Garoonka Caasimadda ugu weyn ee Hargeysa Stadium, isagoo isku qanciyey inuu maanta ku tukado Garoonka Xawaadle oo maalmaha ciidaha laga jeediyo khudbad lagu hilgaado maamulkiisa.

Waxa uu maanta madaxweynuhu dhabarka u jeediyey shacabka Reer A/dhagax oo uu ku dhex yaallo Garoonka weyn ee Hargeysa Stadium oo badhtamihii sanadkan maruu furayey ciyaarihii Gobolada uu ku arkay Dareen aanay aanay isaga iyo saaxiibadii midna ku farxin.

Sida Nidaamku yahay mar haddii uu madaxweynuhu garoon ku tukanayo waxa fiicnayd inuu garoonka weyn ee caasimadda oo ay joogaan shacabka ugu badan ee Goob ku wada tukadaa uu tago, balse waxa la aaminsan yahay  inuu wali xusuusan yahay waxoogaagii shimbiro waaqlaynta ahayd ee dhallinta reer A/.dhagax tuseen xilligii uu ciyaaraha gobolada furayey.

Dhinaca kale qaar ka mid ah dadka dhaliila hogaanka Siilaanyo, ayaa aaminsan inuu madaxweynuhu maanta Ajande muuqda ka lahaa salaadda uu ku tukaday Garoonka Xawaadle, taas oo ah inuu maanta ka hortago oo iska mooso dhaliilihii uu hogaankiisa u jeedin jirey sheikh Aadan Siiro oo isagu imam ka ah Garoonka xawaadle.

Isku soo wada duub oo waxa iska  caddaan ah inuu madaxweyne Siilaanyo wali maankiisa ku hayo Hiirtaanyo oo hore uga gubtay oo u  nisbaynayo mucaaradad ay ku hayaan reer A/dhagax, taas oo aan madaxweyne ahaan u fiicnayn inuu guntado dareen kaga yimi qayb ka mid ah shacabka uu madaxweynaha u yahay oo waliba kaalin libaax ku lahaa inuu fuulo kursiga ugu sarreeya Somaliland.

Soomaalida ayaa hore ugu maahmaaday “Hiirtaanyo xasuuste Reer Ma doojo” waxana madaxweynaha looga baahan yahay inuu dul u lahaado wajax-gabax kasta oo kaga yimaadda bulshada uu madaxweynaha u yahay, kuna dedaalo inuu meesha ka saaro  oo daweeyo waxa ay tabanayaan Reer A/dhagax oo ahaa taageerayaashii ugu cududa weynaa ee xisbiga uu madaxweyne siilaanyo ka soo baxay ee Kulmiye.

 

Axmed Cumar Axmed (timo)

Hargeys/Somaliland.

Mawliidguure@yahoo.com

 

Comments are closed