|

Madaxweyne Siilaanyo: Raga tartanka u xusul-duuban waxaan leeyahay kubadda laada ee idinku ha is-laadina‏(DHEGEYSO)

Hargeysa, 14, April 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka qaybgalay furitaanka Shirka 3aad ee Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, waxaa ku wehelinayay ka qaybgalkaas Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Shirguddoonka labada Gole, Wasiirro, Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, ergooyinka Gobollada ee Xisbiga iyo taageerayaasha Xisbigaas.

Madaxweynaha oo furitaankii shirkaas ka hadlay ayaa ka warramay xaaladda guud ee dalka, waxyaabaha ay Xukuumaddiisu wax ka qabatay isagoo carrabka ku adkeeyay kordhinta miisaaniyada qaranka, waxa kale oo uu ka hadlayammaanka, Arrimaha bulshada, doorashooyinka soo socda, waxaanu fariin adag u diray ururrada cusub ee siyaasadda Somaliland ku loolami doona doorashada goleyaasha deegaanka.

 

 [mp3player config=fmp_jw_widget_config.xml file=http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/siilaanyokulmiye.mp3]

Comments are closed