|

Madaxweyne Siilaanyo Oo Xil Ka Xayuubin Aan La shaacin Ku Sameeyay Guddoomiye Xigeenkii Gobolka Hawd

Hargeysa – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa xilkii uu qaranka u hayay ka xayuubiyay Badhasaab ku Xigeenkii Gobolka Hawd Warsame Faarax.

Inkastoo aan warbaahinta la soo gaadhsiinin, haddana waxa ay dad looga qaateen ahi u sheegeen shabakadda GaloolMedia in xilkii laga xayuubiyay Warsame Faarax Soomaali oo muddooyinkii ugu dambeeyay ahaa badhasaab Xigeenka Gobolka Hawd.

madaxweyne-siilaanyo

Madaxweynaha ayaa markiiba magacaabay bedelkiisii, lamana garanayo sababta uu wakhtigan madaxweynaha somaliland xilka uga xayuubiyay Warsame Faarax oo kasoo jeeda degmada Sallaxley.

Sidoo kale Masuulka uu Madaxwayne siilaanyo u magacaabay buuxinta jagadaasi ayaa waxa uu ka soo jeedaa deegaanka loo yaqaan Bali-Cabane  oo dhinca galbeed kaga beegan magaalada Balli-gubadle isla  markaana ka tirsan gobolka Hawd.

Comments are closed