|

Madaxweyne Siilaanyo oo Xalkii Saamo Qaybsiga ku Bedelay Degmooyin Cusub oo uu Magacaabay

Hargaysa 14.July 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4090/072016 ku magacaabay todoba Degmo oo Cusub.

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:                       Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqraddiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                       Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;

Markuu Tixgeliyey:               Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka;

Markuu Tixgeliyey:               Baahida loo qabo in Degaanka Geba-gebo loo magacaabo Degmo cusub;

Markuu Dhegeystay:                        Soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

 

Wuxuu go’aansaday;

 

Ø  In uu Balli-mataan  u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Maroodi-jeex.

Ø  In uu Geba-gebo  u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Togdheer.

Ø  In uu Faqayuub  u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Togdheer.

Ø  In uu Shaxda u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Xaysimo.

Ø  In uu Wadaamagoo  u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Saraar.

Ø  In uu Adhi-cadeeye  u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Sool.

Ø  In uu Gumburaha u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Hawd.

 

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

         Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Comments are closed