Madaxweyne Siilaanyo Oo Xalay Tamashle Gaaban kusoo Maray Goobo Dadku Ku Caweeyaan Oo Hargeysa Gudaheeda Ku Yaalla iyo Jawigii Ku Xeernaa
Hargeysa:Dec,13,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo), ayaa Fiidkii hore ee Xalay booqashooyin gaagaaban oo kedis ahaa ku soo maray Goobo Dadweynuhu Habeenkii ku caweeyaan iyo Meelo ay ku kulmaan oo ku yaalla Badhtamaha caasimadda Hargeysa.
Safarkan gaaban ee Madaxweynaha ayaa mid saxaafadda lagala dhuuntay, waxase wararku sheegayaan inay wehelinayeen Marwadiisa iyo xubno kale oo ka mid ah Golihiisa wasiirrada kuwa ugu dhawi.
Sida lagu sheegay war kooban oo Wakaallada Dawladda Lagu Baahiyey, Socdaalkiisa caawa ayaa Madaxweynahu waxa uu ku gaadhay goobaha ay dadweynuhu isugu yimaadaan oo uu ka mid yahay Hotel Summer-Time, Garoonka Kubadda cagta ee Turkiga oo dhalinyaradii ku ciyaaraysay si weyn u soo dhoweeyeen iyo goobo kale oo ka mid ah suuqyada caasimadda, iyadoo meel kasta oo uu tagana ay dadweynuhu farxad ku qaabilayeen.
Madaxweynaha ayaa shakhsiyaadkii uu la kulmay waxa uu weydiinayey Su’aalo kooban oo noloshooda iyo xaaladda dalka la xidhiidha, waxana uu muujinayey farxad iyo degenaan badan.
Shacabka ayaa inkastoo oo ay madaxweynaha Soo dhaweeyeen Haddana muujinayey sida ay Su’aalaha uga qabaan xaalka madaxweyne Siilaanyo iyo sababta keentay inuu si caad ah warbaahinta ugu qaabili waayey, maadaama uu six or ah suuqyadaba kusoo taxaashayo.
Madaxweyne Siilaanyo, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey wax safar gaaban ugu soo bixin caasimadda goobaha ku yaalla, waxana uu inta baddan ahaa mid ku sugan Gurigiisa oo uu wakhti badan ku qaato.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com