Madaxweyne Siilaanyo oo Xadhiga Ka Jaray Xarun ay Wasaaradda Arrimaha Guduhu ku Shaqaynaysay Labadii Sanno ee u danbeeyay Iyo Is Muujintii Wasiir Warancade DAAWO
Hargaysa 30. Decembar 2015 (SDN/QJ):- Madaxweynaha JSL Md Axmed maxamed Maxamuud siilaanyo ayaa maanta xadhiga ka jaray dhismaha cusub ee wasaaradda Arimaha gudaha oo Mudooyinkii u danbeeyay ay Wasaaradaasi ku hawl galaysay.
Xaflada Xadhig ka Jarista Dhismahan Cusub Waxaa ka qayb galay Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda,Mas’uuliyiin ka socday Golayaasha qaranka,Madaxda Ciidamada Qalabka Sida,Maamulka Caasimada Hargaysa Iyo Marti Sharaf Kale.