Madaxweyne Siilaanyo oo Xadhiga ka Jaray Mashaariic laga Hirgaliyay Madaarka Cigaal ee Caasimada Hargaysa DAAWO
Hargaysa 28.May 2015 (SDN/QJ)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa maanta xadhiga ka jaray afar mashruuc oo laga hirgaliyay Madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu ugu horayn xadhiga ka jaray Xarunta kaydka Dab-damiska ee Garoonka diyaaradaha, sidoo kale waxa uu kormeer iyo xadhig ka jaris ku sameeyey xayn-daab dheer oo lagu wareejiyey garoonka iyo runway-giisa, kaasi oo ka kooban Taar ama shebeg, iyo kaabado shub ah, waxaanu madaxweynuhu ku soo noqday dhabada garoonka diyaaraha oo dhererkiisu dhan yahay waa inta lagu daraye 1250M marka la isku darana noqon doonta 3700m.
Madaxweynaha iyo Wasiirka Duulista iyo Hawada ayaa Xadhig ka jarista kadib Waxa uu la hadlay Warfidiyeenada.