|

Madaxweyne Siilaanyo oo Xadhiga ka Jaray Kuliyada Ciidanka Qaranka ee Dararweyne ,Kana Hadlay Shirkadaha Genel Energy iyo Ethiopia Airways {DHAGAYSO}

Hargaysa 14.Sep 2013 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Wefti balaadhan oo uu Hogaaminayo ayaa galabta Gaadhay Magaalada Berbera kadib markii ay ka qayb galeen Munaasibad Xadhiga lagaga Jarayay Kuliyada Ciidanka Qaranka ee Deegaanka Dararweyne ee Gobolka Maroodi Jeex.

Kuliyadda-300x179Madaxweynaha oo socdaalkiisa ku Wehelinayeen Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirada, Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan,Madax iyo Mas’uuliyiin kala duwan.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo hadal ka Jeediyay Munaasibadaas ayaa tilmaamay faa’iidada Kuliyadani u leedahay dhismaha qaranka isla markaana garan kara Mas’uuliyada laga rabo.

Waxa uu Madaxweyne Siilaanyo cadeeyay in Shirkada Genel Energy aanay ka bixin Somaliland balse ay Shaqadeedii hakisay halka uu sidoo kalena sheegay in Shirkada Itoobiya Airways aanay ahayn sifaha lagu tilmaamay inay hakiso Safarkeedii ay ku iman jirtay.

 

Guji halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso Hadalkii Madaxweyne Siilaanyo
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/MadaxweynahaDararweyne(1).mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed