|

Madaxweyne Siilaanyo oo Wasiirul-dawle cusub u magacaabay Masuul xilli hore ka soo goostay kooxda SSC

Hargeysa 04, August 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa magacaabay xil ku cusub dawladda, kaasoo ah Wasiiru-dawlaha Nabadaynta arrimaha gobollada Bariga dalka.

Sida lagu sheegay qoraal Madaxtooyada ka soo baxay, Madaxweyne Siilaanyo waxa uu xilkaas u magacaabay Kayse Cabdi Yuusuf oo xilli hore ka soo goostay kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo State xilligii ay ahayd SSC, wuxuuna warsaxaafadeedka Madaxtooyadu u dhignaa sidan; “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xeer Madaxweyne oo numberkiisu yahay JSL/M/XERM/249-1246/082012       ku magacaabay Wasiiru-Dawlaha Nabadaynta Arrimaha Gobollada Bariga ee JSL, Inuu ahaado Mudane, Kayse Cabdi Yuusuf.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                        Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:                 Ahmiyadda weyn ay Wasiiradu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

 

Markuu Arkay:                        Baahida loo qabo Xallinta Khilaafka iyo habsami u socodka Arrimaha nabadgelyada iyo siyaasadda Gobollada Bari ee JSL;

 

Markuu Arkay:                        In baahi loo qabo abuuridda jagada Wasiiru-Dawlaha Nabadaynta Arrimaha Gobollada Bariga ee JSL oo hoos imandoonta Madaxweynaha;

 

Markuu Ka Fiirsaday:             Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 

Markuu ku Qancay:                In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Kayse Cabdi Yuusuf, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado

Wasiiru-Dawlaha Nabadaynta Arrimaha Gobollada Bariga ee JSL.”

 

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed