Madaxweyne Siilaanyo oo uu ku balan qaaday inay dhamaystiri doonaan waxyaabaha ka dhiman Ciidanka Booliska {DHAGAYSO}
Hargaysa 03.Nov 2013 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland, waxa uu si gaar ah ugu mahad naqay Ciidanka Somaliland sida adag ee ay nabadda iyo Ammaanka uga shaqeeyaan, waxana uu masuuliyiintooda ku ammaanay sida muuqata ee ay u ilaaliyeen kala dambaynta, waxana uu Ballan qaaday inuu madaxweyne ahaan gacan Buuxda sidii loo dhamaystiri lahaa waxyaabaha ka dhiman ciidanka Booliska Somaliland.
Madaxweynaha ayaa Hadalkan ka Jeediyay Munaasibad loogu dabaal degayay Aasaaska Ciidan weynaha booliska Somaliland oo Maanta lagu qabtay Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Booliska .
Guji halkan si aad Mobilkaaga uga dhagaysato hadalka madaxweynaha
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/MADAXWEYNE03.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com