Madaxweyne Siilaanyo Oo Soo Xerogelinta Dibad-wareeggii Reer Awdal Libin Uga Dhigay Laba Wiil oo Uu Adeer u yahay
Hargeysa:05-Dec-2013(SDN)-Madaxweynaha Somaliland, ayaa Soo Xerogelinta Wiilal Reer Awdal oo Dibad wareeg ahaa u Adeegsaday Laba Wiil oo ka soo Jeeda Beeshiisa.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa wada Hadal muddo socday oo xukuumaddiisu kula jirtey Xubno reer Awdal ah oo ka soo quustay Soomaaliweyntii gabalkeedu dhacay, ayaa Gebagebadiisii libin uga dhigay Xubno ay isku jifo yihiin oo qaarkood masuuliyad haatan qaranka u hayaan.
Xubnaha Reer Awdal ee haatan xukuumaddu sheegtay inay la heshiisay ayaa kala ah Rashiid Awnuur oo sheegan jirey Madaxweynaha Awdal State iyo marwo ku-xigeen u ahayd, waxana Xubninihii madaxweyne Siilaanyo arrinta u diray kula kulmeen Magaalada Dubai ee waddanka isu tagga imaaraadka Carabta.
Labada Masuul ee Wada-hadalkan madaxweyne Siilaanyo u xilsaaray ayaa kala ahaa Guddoomiyaha Qurbejoogga ah ee Gobolka Awdal Cabdoo Aayar iyo madaxii hore ee Hay’adda Dhawrista Tayada Saleebaan Siciid Mire oo haatan xukuumaddan xilka quud-darraynaya.
Sida ay sheegeen xubnahaas madaxweynuhu u xilsaaray Hawshan, waxa muddo soo socday wada hadal kooxdan lagaga dhaadhicinayey inay dadkooda wax la qabsadaan, maadaama ay haatan haanta Gunteeda soo taabteen oo ay quus taagan yihiin.
Kooxdan oo marka laga yimaaddo magac ay dibadaha ka sheegan jirtey aan wax saamayn siyaasadeed ah iyo culays toonna ku haynin somaliland, ayuu madaxweyne soo xerogelintooda ka dhigtay libin siyaasadeed, isagoo isku qanciyey in taariikhdaas siyaasadeed uu faraqa u geliyo Beesha uu ka soo jeedo.
Guushan siyaasadeed ee xukuumaddu aaminsan tahay inay gaadhay, ayuu madaxweynuhu inay soo Gelbiyaan u igmaday laba wiil oo uu adeer u yahay, kuwaas oo warbaahinta u sheegay inay somaliland ku guulaysatay soo xerogelinta dad ka maqnaa.
Hadalladii Afarta shakhsi ee Dubai ku kulmay ay warbaahinta ka sheegeen ayaa u badnaa qaar lagu muujinayey in la isu soo celiyey Umado kala maqnaa oo kala irdhoobay, iyadoo halkaas sidoo kale laga sheegay in wax kasta wada hadal iyo is afgarad lagu dhameeyey, wixii hadhayna halkaas laga sii ambo qaadi doono.
Xaqiiqada jirta ayaa ah inaanay jirin wax taageero ah oo labadan shakhsi ee maga sheegan jirey ay ku dhex lahaayeen Bulshoweynta samaha jecel ee Reer Awdal, waxana kooxdan lagu maqli jirey meelaha qurbaha ah oo ay dhallinyaro ku majaro habaabin jireen, balse xukuumadda Siilaanyo ayaa haatan shacabka uga dhigtay waax ka mid dadkeeda oo haatan soo xarooday.
Ma jirto wax libin ah ama guul ah oo lagu sheegi karo tallaabadan xukuumaddu kusoo xerogelisay labadan muwaadin ee ka soo jeeda Gobolka Awdal, iyadoo dadweynaha reer Awdal u yaqaanaan labadan shakhsi kuwo khiyaamay waddankoodii oo aan la aamini karin.
Xukuumadda ayaa sida cad maaliyad badan gelisay sidii ay labadan qof ee muddada dibadda wareegayey waddanka ugu soo celin lahayd, waxana sidoo kale jira mansabyo si hoose loogu ballan qaaday in la siin doono mustaqbalka dhaw.
Shacabweynaha reer Awdal ayaan iyagu dan ka lahayn in shakhsiyaadkan la soo sasabo, waxana ay door bidayaan in lacagaha lagu kharash garaynayo dibad-wareeggan lagu horumariyo Gobolkooda oo wax badan tabanaya
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com