Madaxweyne Siilaanyo oo Soo Saaray Digreeto Wakhti badan Shaqayn Weyday dalkana ka Mamnuucay Bacaha
Hargaysa 14.April 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-3178/042015 uu dalka kaga Joojiyey Isticmaalka Bacaha iyo Fayo-dhawrka Deegaanka.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobbada 90aad iyo 18aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobada 68aad iyo 75aad ee Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Xeer Lr.23/2007;
Markuu Arkay: Soo jeedinta Guddida Heer Qaran ee BilicdaMagaalooyinka;
Markuu Tixgeliyey: Xilka iyo Mas’uuliyadda Dawladda ka saaran ilaalinta fayo-dhawrka deegaanka, bilicda iyo nadaafadda guud ee Magaalooyinka Somaliland;
Markuu Garawsaday: In jaangooynta kormeerka iyo wax-ka-qabadka bulaacadaha, Musqulaha iyo goobaha qashin qubka iyo nadaafadda Goobaha Ganacsiga sida Sariibadaha iyo Goobaha Cuntada ay aas-aas u tahay kor u qaadida iyo ilaalinta fayo-dhawrka;
Markuu Arkay: Dhibaatada ay Bacdu ku hayso Dhirta, Xoolaha, caafimaadka guud ee Bulshada iyo Bilicda Magaalooyinka Somaliland;
Wuxuu Go’aamiyey:
-
In ay reebban tahay soo dejinta iyo ka-ganacsiga noocyada Bacda ee kala duwan sida Bac-miikada, Bacda ila-qabada, bacaha Shirkadaha iyo Dukaamada ee Xayaysiiska Ganacsiga.
-
In Dawladaha Hoose iyaga oo fulinayo Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka ay ku ilaaliyaan, kuna kormeeraan Goobaha Ganacsiga iyo Warshadaha in Bacaha u yaalla ay ku dhammeeyaan muddo 120 maalmood, muddadaa wixii ka danbeeyana ay ku dedaalaan wixii beddeli lahaa Bacaha.
-
In Wasaaradaha ku Shaqada lehi iyaga oo u maraya Maamulka Gobollada ku kormeeraan Dawladaha Hoose ilaalinta iyo kor u qaadida heerka fayo-dhawrka Deegaanka iyo Caafimaadka Bulshada.
-
In la joogteeyo Wacyigelinta Dadweynaha ee faya-dhawrka deegaanka.
-
Hargaysa SDN/QJ