Madaxweyne Siilaanyo oo Si Rasmi ah Golaha Guurtida uga Dalbaday Mudo Kordhin ay ku xalaaleeyaan Mudo Xileedkiisa dhamaadka ah
Hargeysa, 27 April 2015 (SDN/QJ)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa codsi ku saabsan wakhtiga ay gudida doorashooyinka Somaliland u cayimeen Doorashooyinka Madaxtinimada Iyo Golaha Wakiilada u gudbiyay Golaha Guurtida Somaliland.
Soo jeedintan oo ku taariikhaysan 22-ka April, 2015 oo nuqul ka mid ah ay Shabakada Qurbejoog.com heshay ayaa u dhignaa
Ujeedo:- Gudbin soo jeedinta Doorashooyinka Madaxtooyada Iyo Golaha Wakiilada 2015.
Mudanayaal,
Waxaan si sharaf iyo qadarin mudan idiinku soo gudbinaynaa qoraalkan Gudidda Doorashooyinka Qaranka ee sumadiisu tahay KDQ/XK/406/2015, ee ku taariikhaysan 22/04/2015, ujeedadiisun tahay Doorashada Madaxtooyada Iyo Golaha Wakiilada oo ay cadeeyeen in aanay ku qaban karin xiligeedii. Sidaa daradeena ay soo gudbiyeen wakhtiga ay ku qabaan karaan doorashada Madaxtooyada Iyo Golaha Wakiilada JSL .
Haddaba waxaan Mudanayaal idiin soo jeedinayaa in aad ka gudataan waajibaadkiini Dastuuriga ah
Axmed Maxamed Siilaanyo
Madaxwaynaha Jamuuriyada Somaliland
Alla Mahad Leh