|

Madaxweyne Siilaanyo oo sheegay inay diyaar u yihiin wax-ka-qabashada tabashooyinka deegaannada bariga

Hargeysa, 02, March 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka hadlay tabashooyinka deegaannada bariga Somaliland, waxaanu sheegay in Xukuumaddiisa ay diyaar u tahay cabasho kasta oo kaga timaada bulshada ay hogaanka u hayaan.

Madaxweynaha Somaliland maalmihii u dambeeyay ku sugnaa carriga Ingiriiska ayaa sheegay in gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ay ka mid yihiin Somaliland, isla markaana garaaddadoodu ay ka mid ahaayeen dadkii saxeexay qaddiyadii gooni isu taaga Somaliland. “Sool, Sanaag iyo Cayn waxay ka mid yihiin Somaliland, waqtigii Somaliland la abuurayay ee la isugu Burco ee lala soo noqday xornimada, Somaliland way u dhamayd, wayna wada saxeexday, wayna isla wada ogaayeen, halgan dheerna way u soo martay Somaliland odayaasheeda, garaadadeeda siday u dhan yihiin oo ay ku jiraan garaadada Sool way wada saxeexeen, waanay wada joogeen, waana la wada hayaa, adduunyadana maanta meel walba tabasho way ka jirtaa, tabashooyinkaa jirana mar walba Somaliland iyo dawladdeedu waxay diyaar u yihiin inay la eegaan bulshada ay masuuliyiinta u yihiin waxay ka cabanayaan. Laakiin Somaliladn iyo madaxbanaanideedu waa lagama maarmaan wax hore loogu heshiiyay oo meel la wada dhigay oo la isla qaatayna way ahayd.” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland oo u warramay BBC laanteeda afka Soomaaliga.

Waxa kale oo uu Madaxweyne Siilaanyo sheegay inuu wada hadal u socda odayaasha deegaannadii dhawaan ay shaqaaqooyinku ka dhaceen, isla markaana waxa uu carrabka ku adkeeyay inay tallaabo ka qaadanayaan cid kasta oo ku xadgudubta nabadgeyadal, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii. “Imikana waxa jira wada hadal socda, ciddii nabadgelyada waxyeela is yidhaahdana kolay talaabooyin waa laga qaadayaa, inkasta oo aanu jecelnahay taasi inaanay weji qabiil naga qaadan.”

SDN, Hargeisa Somaliland

Said8090@gmail.com

Comments are closed