|

Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacabka Kala Qaybgalay Tukashada Salaad Roob-doon ah Oo Saaka Loo Ballansanaa

Hargaysa:April,26,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud(Siilaanyo), ayaa Maanta Salaad Roob doon ahayd  kala qaybgalay Kumanaan Qof oo Reer Somaliland.

beehSalaadda Roob doonta ah oo uu hore Madaxweyne Siilaanyo  u iclaamiyey, ayaa laga Oogay Gobollada iyo Degmooyinka Dalka, waxana uu madaxweynaha iyo inta Badan Xubnaha Xukuumaddiisu salaadaas ku tukadeen Masaajidka Tabliiqiyiinta ee ku yaalla Dhinaca Bari ee Magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha, ayaa si weyn ugu duceeyey Shacabka Reer Somaliland inuu raxmaadkiisa u shubo, waxana uu usoo jeediyey inay alla ka cabsiga badiyaan oo xumaanta ka hadhaan, eebana baryaan.

Sidoo kale waxa isna halkaasi khudbad dheer ka jeediyey wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland oo salaada tujinaayey Madaxweynaha iyo shacbiga ku sugnaa masjidka.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed