Madaxweyne Siilaanyo oo Safar ugu Kicitimay Wadanka Isu taga Imaaraadka Carabta
Hargaysa 23 March.(SDN) Waxa maantadalka ka dhoofay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminaayo ayaa u kicitimay Imaaraadka Carabta ka dib markii ay marti-qaad rasmi ah ka heleen Imaaraadka Carabta, waxa uu safarkani qaadan doonaa mudo laba ama saddex Cisho ah.
Waxa uu madaxweynuhu ka dhoofay madaarka Caalamiga ah ee Berbera Airport halkaas oo ay imaaraadku u soo direen Madaxweynaha Jamhuuuriyada Somaliland, Diyaarad Khaas ah oo ay madaxeynaha iyo weftigiisa u soo direen.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa Saxaafada u Sheegay inuu Marti qaad rasmi ah ka helay Isu taga Imaaraadka Carabta isla markaana Mudada uu Wadankaasi Joogo inuu Kulamo la yeelan doono Madaxda Isu taga Imaaraadka Carabta kalana hadli doono Sii Xoojinta Xidhiidhka u dhexeeya labada Wadan iyo dardar galinta Mashaariic ay Imaaraadku ka Wadaan Somaliland.
Madaxweyne Siilaanyo Waxa uu dhinac isaga Leexiyay War ay Warbaahinta Maxaliga ah ee Somaliland ka qortay Safarkiisa kuna Sheegtay in dawlada Isu taga Imaaraadku ay kulan u qaban doonaan Isaga iyo Dhigiisa Somalia Xasan Sh.Maxamud waxaanu Xusay inaanu ka warqabin arrintaas isla markaana aanay u Sheegin dawlada imaaraadku,hasa yeeshee Waxa uu Madaxweynuhu ku dooday inay la kulmi karaan Cid kasta oo Danta Somaliland Sida uu Yidhi ay Gasho.
Xubnaha Weftigu ka kooban yahay ayaa kala ah Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Marwada Madaxweynaha JSL, Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde,Wasiirka Arrimaha Dibeda JSL,Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar,Wasiirka Maaliyada JSL, Cabdicasiis Maxamed Samaale ,Wasiirka Madaxtooyada JSL, Xirsi Cali Xaaji Xasan,Wasiirka Beeraha JSL, Prof. Faarax Cilmi Geedoole, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka JSL, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse),Wasiir ku xigeenka Caafimaadka JSL, Nimco Xuseen Qawdhan, Af-hayeenka Madaxtooyada JSL, Axmed Saleebaan Dhuxul, Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi,Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada JSL, Baashe Maxamed Faarax.
Hargaysa SDN.
qurbejoog@gmail.com