Madaxweyne Siilaanyo oo Saaka u Baqoolaya Gobolka Sool+ Kulan uu la Yeelan doono Prof Cali Khaliif Galaydh Iyo Saadaasha Wakhtiga
Hargaysa 18.Aug 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Iyo Wefti uu Hogaaminayo ayaa la filayaa inay Saaka oo Khamiis ah u Ambo baxaya dhinacaas iyo Gobolka Sool Iyo Jiido hoos taga.
Ilo lagu Kalsoon yahay oo ka Tirsan Qasriga Madaxtooyada lana hadlay Shabakada Qurbejoog inkasta oo ay ka gaabsadeen in Magacooda la sheego ayaa Tibaaxay in Safarka Madaxweyne Siilaanyo uu ku Wajahan Yahay Magaalada Laascaanood,Iyadoo Maalintii Shalay Deegaankaasi loo diray Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir Faratoon oo Gogol xaadh u sii samaynaya imaatinka Madaxweynaha.
Xogahani Waxaa kale oo ay Sheegayaan Suurto Galnimada in Madaxweyne Axmed Siilaanyo Kulan kula qaato Deegaan ka Tirsan Gobolka Sool Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh Maadaama Labada dhinac uu u Socdo Wada hadal aan Midho dhalin,Sidoo kale Siilaanyo Iyo Prof Galaydh ayaa Waxaa ka dhaxaysa Saaxiibtinimo Gaar ah Inkasta oo Siyaasadaha is diidan ee Labada hogaamiye ay kala fogaysay, Warku Wuxuu intaas Ku darayaa in Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu Go’aansaday in Si Foolka Fool ah ula fadhiisto Prof Galaydh una bandhigo Qorshayaasha uu wato ee ah Sidii looga dhabayn lahaa Tabashada Gobolada Sool Iyo Buuhoodle,Inkasta oo aan la sii Saadaalin Karin waxa uu kala Kulmi doono Saaxiibkiisii Hore hadana Waxaa loo Badinayaa inuu ku Qanciyo Sidii uu Somaliland Wax ula Qaybsan lahaa Talada dalkana qaybtooda uga qaadan lahaayeen,Maadaama Prof Galaydh uu Quus ka Joogo Siyaasada dawlada federaalka ah,Colaad xoogana ay u qabaan Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Punt Land Isla markaana uu dhawr Cisho ka hor sheegay in Cida qudha ee Wax ay Wadaagayaan ay Tahay Somaliland Taasna ay u qaateen inay Wada hadal la furaan.
Dhinaca Kale Xogaha ay Qurbejoog heshay waxaa kale oo ay Sheegayaan in Madaxweyne Siilaanyo Fursadan uga faa’iidaysan doono Sidii Bulshada ku dhaqan Sool Iyo Buuhoodle ay uga qayb qaadan lahaayeen Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo Todobaadka Soo Socda Deegaamadaas ka bilaabmi doonta Taas oo Kolba Shacabka Gobolkaasi Sida ay isu diiwaangeliyaan ay ku Xidhnaan doonto Saamiga ay ku yeelanayaan Talada dalka.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Turubkii u danbeeyay ee uu Ciyaaro Waxa uu Markii u horaysay u Magacaabay Xilka Balaadhan ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Siyaasi Yaasiin Faratoon oo ka soo Jeeda Gobolka Sool,Kaas oo dad badani u arkaan Talaabo uu u qaaday dhinaca wanaagsan.
Safarkan Madaxweyne Siilaanyo ayaa la filayaa inuu Socdaalkiisani Wax badan ka bedelo Siyaasadaha kala duwan ee Deegaamadaasi ka dhex taagan,Isagoo dhinaca kalena u diray Wasiirkiisii Caafimaadka Dr Xaglo Toosiye Magaalada Buuhoodle oo uu ka wado Qorshayaal la mid ah Kuwii ka dhacay Degmooyinka Awr Boogays iyo Adhi Cadeeye,Ilaa iyo hada ma Cada in Madaxweynaha Somaliland uu gaadhi doono Magaalada Buuhoodle oo ay ku hirdamayaan Siyaasado Afar Geesood ah oo kala ah Somaliland,Khaatumo, Punt Land Iyo Somalia,Balse Waxay Taasi ku Xidhnaanaysaa ayaa warku leeyahay Is fahamka dhex mara Siilaanyo iyo Prof Galaydh.